HomeCaalamkaSoomaaliya oo ka qeyb gashay kulan xasaasi ah oo looga hadlayay dagaalka...

Soomaaliya oo ka qeyb gashay kulan xasaasi ah oo looga hadlayay dagaalka Yahuuda iyo Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ka qeybgalay shir degdeg ah oo ay iskugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo lagaga hadlay xiisadda ka dhex-aloolsan Iiraan Iyo Israaiil

Shirka degdega ee ay iskugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta, ayaa lagu qabtay codsi ka yimid Jamhuuriyadda Ciraaq si looga hadlo xiisadihii u dambeeyay ee u dhaxeeyey Iiraan iyo Israa’iil.

Kulankan ayaa dhacay xilli xiisad goboleed oo xasaasi ah ay taagantahay, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta midnimada Carbeed iyo dejinta mowqif isku-duwan si loo xakameeyo xiisadaha cirka isku sii shareeraya, loona dhowro amniga iyo xasilloonida gobolka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments