HomeCaalamkaSomalia oo ka qeyb gashay shir xasaasi ah oo ka dhacay Turkiga

Somalia oo ka qeyb gashay shir xasaasi ah oo ka dhacay Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaasoo maanta ka furmay magaalada Istanbul, Turkiga.

Shirkan oo socon doona laba maalmood (21–22 Juun 2025) ayaa diiradda saaraya xaaladda cakiran ee u dhaxeysa Israel iyo Iran, iyadoo la filayo in laga soo saaro baaq wadajir ah oo ku baaqaya xabbad-joojin si looga hortago xasillooni darrada gobolka.

Wasiir Cabdisalaan ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo gaar ah la yeesho dhiggiisa dalalka kale ee ka qeyb galaya shirkan, si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay waddamada Islaamka.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo xiisadda u dhaxeysa Israel iyo Iran ay cirka isku shareertay, waxaana la rajeynayaa in dadaallada OIC ay horseedi doonaan xasillooni iyo nabad waarta oo ka hirgasha gobolka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments