HomeCaalamkaRW Xamsa oo kulan muhiim ah la qaatay Isimmada deegaannada SSC-Khaatumo

RW Xamsa oo kulan muhiim ah la qaatay Isimmada deegaannada SSC-Khaatumo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay  magaalada Laascaanood kulan muhiim ah kula yeeshay Garaadada deegaannada SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray sidii loo xoojinta lahaa midnimada iyo geeddi-socodka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonid dalka, isaga oo ka dhagaystay tallooyin dhaxal-gal ah oo ku aaddan dib-u dhiska dalka, iyo sidii deegaannada SSC-Khaatumo looga hirgalin lahaa hey’addaha dowladda oo bulshada soo gaarsiiya adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Garaadada doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan nabadaynta iyo midnimada, waxaa uuna adkeeyey sida ay Xukuumaddiisu mudnaan gaar ah u siineyso xoojinta hey’adaha dowladda iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments