HomeCaalamkaMadaxweynaha Soomaaliya oo maanta furaya kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta furaya kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maanta furmo kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka labada aqalka ee Soomaaliya.

Xidhibaanada golaha shacabka iyo kuwa Aqalka sare, ayaa lagu wargeliyay inay soo xadiraan furitaanka kalfadhiga 7-aad, isla markaana ay waqtiga ilaaliyaan.

Sida ku xusan Qodobadka 90-aad ee Dastuurka KMG ah, madaxweynaha Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u furayo kalfadhiga Baarlamaanka, waxaana uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo wax-qabadka dowladda muddii uu Baarlamaanka fasaxa ku jiray.

Furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka, ayaa imaanaya, iyado madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay kasoo laabtay shirkii guud ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo maalin ka hor lagu soo gabe-gabeeyay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Sikastaba, Baarlamaanka labada ee dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa horyaalo ajandaal badan oo u baahan in ay meel mariyaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments