HomeCaalamkaIska horimaad khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Iska horimaad khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helaya khasaaraha ka dhashay iska horimaad kooban oo ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka ku dhex-maray saldhigga degmada Warta-nabada ee magaalada Muqdisho.

Iska horimaadka ayaa yimid kaddib madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo mucaaradka kamid ah ay tageen xaafada Siinaay oo maanta dad shacab ah lagu dhibateeyay.

Warar hordhac ah ayaa sheegay in iska horimaadka in ay ku geeriyoodeen labo ruux halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Geesta kale dagaalka maanta dhex-maray ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka ee u dhaxeysa dowlada Fedaraalka  mucaaradka iyo waliba tan burburinta dhulalka danta guud oo ay shacabka diidan yihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments