HomeCaalamkaWefdi ka socda Jubbaland oo gaaray degmada Balad-xaawo

Wefdi ka socda Jubbaland oo gaaray degmada Balad-xaawo

Wefdi sare oo ka kooban wasiiro katirsan Dowladda Jubbaland, xildhibaano heer Federaal ah, iyo masuuliyiin kale oo heer Dowlad Goboleed ah, ayaa maanta gaaray degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Soo dhaweynta Wefdigaan Waxaa hormuud ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland, Mudane Maxamed Axmed Cali, Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Maamulka Degmada Baladxaawo, iyo masuuliyiin kale oo muhiim ah.

Masuuliyiintaan ayaa ujeedada Booqashadooda waxa ay tahay Dardargelinta howlaha muhiimka ah ee maamulka degmada iyo gobolka, Xoojinta wada shaqeynta iyo midnimada bulshada ku nool gobolka Gedo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments