HomeCaalamkaWeerar ku biloowday qarax oo ka socda Baladweyne

Weerar ku biloowday qarax oo ka socda Baladweyne

Baladweyne: Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay Al-shabab ay saakay ku qadeen magaalada Baladweyne  ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa ka soconaya hotelka Qaahira, oo ku yaalla xaafad Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne, waxaana la maqlaya dhawaaqaya jug culus io dagaal toos ah oo gudaha hotelka ka socda, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ah ee ka dhashay weerarkan, maadama uu weli socdo xaaladana ay tahay mid adag.

Goob jogayaal ayaa ku waramaya in xubno katirsan Al-shabaab ay ka dhex dagaalamayaan  hotelka iyo nawaaxigiisa, ciidanka dowladana ay doonayaan in ay soo afjaraan dableyda weerarka soo qaaday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments