HomeCaalamkaWasiirka Gaashaandhigga oo ku baaqay in la garab istaago ciidanka xoogga dalka

Wasiirka Gaashaandhigga oo ku baaqay in la garab istaago ciidanka xoogga dalka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil xigeenada Alifleyda dableyda ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooda xuska 65-aad guuradii kasoo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka ee 12 April.

Wasiirka ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka ay laf-dhar u yihiin difaaca iyo qaranimada ummada Soomaaliyeed, tan markii la aas aasay 12-kii April 1960 –kii ilaa iyo maanta ay  u adeegayaan dadkooda.

“Ciidanka Xoogga Dalka waa geesiyaal naftooda u hura difaaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed. Alle waxaan uga baryayaa inuu aqbalo shahaadadooda, kuwa dhaawacanna uu siiyo caafimaad degdeg ah” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo si buuxda u taageeraya dadaallada ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments