HomeCaalamkaWasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo heshiis kula saxiixday New York dhiggiisa Serbia

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo heshiis kula saxiixday New York dhiggiisa Serbia

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kula kulmay magaalada New York ee dalka Mareykanka, dhiggiisa dalka Serbia, Mudane Marko Đurić, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Jimciyada Qurumaha ka dhexeysa.

Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa labada wasiir waxa ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo ka dhexeeya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia.

Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadidda iskaashi dhow oo ku qotama tababbarka diblomaasiyadeed iyo karti-dhisidda aqooneed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments