HomeCaalamkaWararkii ugu dambeeyay diyaarad Helicopter ah oo ku burburtay garoonka diyaaradaha ee...

Wararkii ugu dambeeyay diyaarad Helicopter ah oo ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Faaf faahino dheeraad  ayaa kasoo baxay diyaarad Helicopter  ah oo ay lee yihiin howlgalka AUSSOM oo ku burburtay qeybta Afisyooni ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Diyaarada burburtay oo aheyd mid militeri ayaa la sheegay in ay kasoo kacday garoonka Baledgole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in diyaarada burburtay ay saarnaayeen ilaa 8 ruux, isla markaana weli la xaqiijin xaaladooda maadama ay weli socoto gurmadka.

Sidoo kale Maareeyaha ayaa tilmaamay in ay bilaabeen baaritaano ku aadan sababta keentay soo dhicita diyaarada oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn waxyaabaha sababay.

Ugu dambeyn Maareeyaha ayaa carabta ku dhuftay in shaqada garoonka diyaaradaha ay socoto, balse la xiray ilaa iyo 600 oo mitir oo ah qeybta diyaaradaha ay ku ordain ( Runway) dhanka xigta Afisyooni. Waxa uuna sheegay in ay dib ka faah faahin doonaan khasaaraha iyo waxa sababay burburka diyaarada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments