Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uusan la dhacsaneyn dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ka dib markii uu duqeyn ballaaran oo dhanka cirka ah ku qaaday Ukraine.
Dhaleecayn aan looga baran waayahan ayuu Trump ka dul dhacay Putin, isagoo is weydiiyey waxa baas ee helay. Wuxuuna goor dambe Putin ku tilmaamay “nin waalan”.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa goor sii horreysey sheegay in aamusnaanta Washington ee weerarka Ruushka uu dhiirrigelinayo Putin, wuxuuna ku boorriyey in Russhka la saaro cadaadis xooggan – oo ay ku jirto cunaqabateyn – si loogu dirqiyo xabad-joojin.
