HomeCaalamkaRW Xamsa oo cadeeyay mowqifka ay xukuumadda ka taagan tahay amniga doorashooyinka...

RW Xamsa oo cadeeyay mowqifka ay xukuumadda ka taagan tahay amniga doorashooyinka dalka

a’iisul Wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey Gogosha Wadatashiga Qaran oo maalintii 2-aad ka socota Muqdisho, ayaa ka warbixiyey Siyaasadda Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan dhinacyada midnimada, amniga, doorashooyinka, dhammeystirka Dastuurka, dowlad-dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo Qorshaha Qaran ee (NTP).

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in dalkeennu uu marayo marxalad muhiim ah oo loo baahan yahay in la adkeeyo wadajirka ummadda, si looga gudbo caqabadaha jira, isla markaana xal maangal ah loogu helo wax walba oo khilaaf ah.

“Soomaaliya waxa ay maraysa xilligii loo guuri lahaa siyaasad ku dhisan mabaaddi, fursadna loo siin lahaa in muwaadinka Soomaaliyeed la doorto, waxna uu doorto, gogoshan waa gogol aan cidna laga tagin, waxaanna laga qeybgaliyey dhammaan qeybaha bulshada, waxaa jooga dhammaan dadkii doonayey in ay hoggaanka qabtaan”.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa u soo jeediyey ummadda Soomaaliyeed in ay u midoobaan ciribtirka Khawaarijta, hirgalinta doorashooyinka iyo qorsheyaasha waaweyn ee muhiimka u ah ee dowlad-dhiska dalkeenna.

“Caqabadaha na hortaaggan ma fududa, howsha noo taallana ma yara, dhinac waxaan ka wajahaynaa cadow halis ku ah diinteenna, dhaqankeenna, dowladnimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed. Ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas ku daray.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments