Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax goordhweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay hore xirada Damaanyo ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socotay qorista ciidamo cusub.
Dhinaca kale goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in qaraxa lala beegsaday dhalinyaro dooneysay in ay u isu diiwaan galiyaan askarta ciidamada xooga.
Sida aan wararka ku helnay waxaa goobta waxaa ku geeriyooday ilaa 8 dhallinyaro ah, halka tiro intaas badana ay ku dhawaacmeen.
