Muqdisho: Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Isgooyska Ceelgaabta ee degmada Xamarweyn ee gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa sida goob jogayaal ay inoo shegeen waxa uu ahaa Miino nooca meelaha foga laga hago, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac .
Qaraxaan ayaa si gaar ah waxaa la sheegay in lagu dhajiyay darbiga guri ku yaalla Isgooyska Ceelgaabta, waxaana xiliga uu qaraxa dhacayay wadada mararay gawaari siday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeda furimaha dagaalka.
Gawaarida gurmadka deg deg ah ayaa sheegay in ilaa iyo 8 ruux oo ku dhaawacmay qaraxa ay geyeen isbitaalada ku yaalla Muqdisho.
Waxaana sidoo kale weli socda gurmadka loo sameynayo dadka uu ku dubay guriga qaraxa darbigiisa lagu dhajiyay.
Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco.
