HomeCaalamkaMW Xasan Sheekh oo kulan xasaasi ah la qaatay madaxa howlgalka AUSSOM...

MW Xasan Sheekh oo kulan xasaasi ah la qaatay madaxa howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saacadihii lasoo dhaafay wuxuu magaalada  Muqdisho kulan kula qaatay  wakiilka KMG ah ee howlgalka Afrika ee AUSSOM, Adebayo Kareem.

Kulanka ayaa waxaa lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM, si gaar ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa u sheegay  wakiilka, in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si dhow ula shaqeeyso howlgalka AUSSOM.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in wada shaqeeyo joogta ah ay dhex marto.

Mr Adebayo ayaa dhankiisa uga mahad celiyay madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya, si loogu soo dhoweeyay dalka, isaga oo ballan qaaday in ay xoojin doonaan howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments