HomeCaalamkaMaxey tahay sababta uu markale dib ugu dhacay Shirka golaha watashiga qaranka...

Maxey tahay sababta uu markale dib ugu dhacay Shirka golaha watashiga qaranka ?

Waxaa markale dib u dhac ku yimid shirka golaha wadatashiga Qaran oo la qorsheynayay in uu 22-ka Juun uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib loogu dhigay sababo la xiriira diyaar garowga todobaadka xorriyada Soomaaliya.

“Iyada oo laga duulaya u diyaar garowga iyo weynaanta todobaadka xorriyada, waxaa dib loo dhigay shirka golaha watashiga Qaran oo horay madaxweyne Xasan Sheekh u muddeeyay inuu qabsoomo 22-Juun, waxaana uu qabsoomi doonaa 15-ka Luulyo 2025,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkan oo ay ka qeyb gali doonaan madaxda dalka ugu sareeysay, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa waxaa la filaya in looga hadlo xaaladda guud ee dalka sida dagaalka Al-shabaab, doorashooyinka iyo wax ka badalka Dastuurka dalka.

Geesta kale lama oga in shirkan ay kasoo qeyb gali doonaan hoggaamiyaasha  maamulka Puntland iyo Jubbaland, oo khilaaf culus uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka ee Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments