Home Caalamka Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan xasaasi la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan xasaasi la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay Shirwaynaha Dowladaha Carabta iyo Islaamka ee ka socday magaalada Doxa, ayaa kulan  la qaatay Madaxwaynaha dalka Turkiga Rajab Dayyib Erdogan.

Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee gobolka Bariga Dhexe, iyaga oo sidoo kale hoosta ka wada xarriiqay in si wadajir ah loo xoojiyo iskaashiga qotodadheer ee labada dal ka dhexeeya.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa xaqiijiyay in dowladda Turkiga ay diyaar u tahay, in sare u qaado xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, isla markaana ka taageerto, arrimaha dhaqaalaha, tababarada ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhankiisa kaga mahad celiyay dowladda Turkiga, garab istaaga Soomaaliya, isla markaana waxa uu ka dhawaajiyay madaxweynaha Soomaaliya, in Turkiga uu kaalin weyn ka qaatay tababarada ciidanka Soomaaliyeed.

Sikastab, Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyo kala duwan oo isugu jira dhaqaalaha iyo tababarada ciidamada, waxa uuna Turkiga Muqdisho saldhigga weyn oo uu tababar ku siiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Exit mobile version