Home Caalamka Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in la qaado tallaabo mideysan oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in la qaado tallaabo mideysan oo dowlad loogu aqoonsanayo Falastiin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeyb galay shir degdeg ah oo ay yesheen dalalka Islaamka iyo Carabta, kaasi oo lagu qabtay magaalada Doxa ee caasimada dalka Qatar, isla markaana looga hadlayay xaaladda siyaadeed iyo amni ee gobolka, iyo weerarkii Israa’iil ay ku qaaday magaalada Doxa ee caasimada dalka Qatar.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirka oo bandhigay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u barbar taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, xilligan adag, isagoo muujiyey in weerarkan uu yahay xadgudub lagu sameeyey dhammaan dalalka Carabta.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh oo adkeeyey muhiimadda midnimada iyo iskaashiga dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa dul istaagay mowqifka taariikhiga ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku garab-taagan yihiin walaalahooda Falastiin oo la dhibaataysan gumaadka iyo gumaysiga ay ku hayaan Israa’iil.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin mideysan oo lagu xaqiijinayo hirgelinta dowladda Falastiin ee caasimaddeedu tahay Qudus, waxa uuna soo bandhigay in loo baahan yahay in la dhaqangeliyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo go’aannadii Qaramada Midoobay, si loo joojiyo falalka gardarrada ah ee Israa’iil, loona ilaaliyo xasilloonida gobolka.

Exit mobile version