HomeCaalamkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kambaala

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kambaala

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Kambaala ee caasimada dalka Yugandha, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay madaxweynaha iyo wefdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caasumaad rasmi ah ka heley dhiggiisa dalka Yugandha Yoweri Museveni, oo uu la yeelan doono wahadallo gaar ah.

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadli doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dalka iyo xaalada guud ee gobolka geeska Afrika.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiggiisa Yoweri Musevene weydiisan doono taageero milatari oo ku aadan dagaalka ay dowladda federaalka kula jirto kooxda Al-shabaab.

Dalka Yugandha ayaa kamid ah wadamada ay ciidamada ka jogaan Soomaaliya, waxa ayna Yugandha tahay  dalka ugu badan ee cidiamada ay qeyb ka yihiin howlgalka cusub ee AUSSOM, ee Soomaaliya sannadkan ka biloowday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments