Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kaddib booqasho uu maalmahan ku joogay magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku salaysnaa xoojinta iskaashiga labada Dowladood iyo wadatashiyo ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan si diirran ugu soo dhoweeyay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Jubaland, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Kismaayo.
