HomeCaalamkaMadaxda Hir-shabeelle oo ku dhawaaqay howlgal culus

Madaxda Hir-shabeelle oo ku dhawaaqay howlgal culus

Madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidanka, iyaga oo la wadaagay qorshaha dagaalka kooxda Al-shabaab.

Deegaanada uu abaabulka ka socdo oo ay madaxda ku sugan yihiin waxaa kamid ah deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cali Guudlaawe, ayaa ciidamada huwanta ah faray inay dardar geliyaan howlgalka lagu xoreynayo deegaanada Hir-shabeelle ay kaga sugan yihiin Al-shabaab.

“Todobaadyada soo socda, gulufka mideysan ayaa soo afjari doonaa kooxda Al-shabaab”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Hir-shabeelle.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments