HomeCaalamkaKhasaaraha iyo weerarkii hotel Qaahira oo weli socda

Khasaaraha iyo weerarkii hotel Qaahira oo weli socda

Baladweyne: Faaf faahino  dheeraad ah ayaa  ka soo baxaya weerarkii  saakay kooxda Al-shabaab ay ku qadeen  Hotel Qaahira ee ku yaalla xaafada Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ilaa 10 qof oo ay ku jiraan Odayaal dhaqan, Siyaasiyiin, dhalinyaro iyo Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda, waxaana weerarka ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Xilliga uu Weerarkan uu ka dhacay hoteelka Qaahira, ayaa waxaa ka socday hoteelka kulan ballaaran oo lagu gorfeynayay howlgallada dalka ka socda iyo shir kale oo arrimaha siyaasada quseeya.

Weerarkan hoteelka Qaahira, oo markii hore ku biloowday gaari walxaha qarxa, ayaa la sheegay inay xigeen Afar dagaalame oo gudaha u galay hoteelka, waxaana wali soconaya dagaalka u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kooxda ku jirta gudaha hotelka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments