HomeCaalamkaJubbaland oo digniin kasoo saartay Kaarka aqoonsiga Qaranka

Jubbaland oo digniin kasoo saartay Kaarka aqoonsiga Qaranka

War-saxaafadeed ay soo saartay waraasaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland, ayaa loogu baaqay shacabka deegaanada Jubbaland in aysan qaadan kaarka aqoonsiga Qaranka, oo ay hirgelisay dhowaan wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland, ayaa lagu sheegay in Jubbaland aysan aqoonsaneeyn Kaarka aqoonsiga Qaranka, maadama uusan heysanin sharciyad heshiis lagu yahay, sidaas darteed ay Jubbaland u aragto hindise siyaasadeed oo aan wax sharci ah ku laheyn dowladnimada.

Sidoo kale waraasadda arrimaha gudaha Jubbaland ayaa kula talisay shacabka ku nool deegaanada Jubbaland inaysn aqaadan waxkasto oo ka hor imaanaya shuruucda iyo nidaamka u degsan Jubbaland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments