HomeCaalamkaJabuuti oo soo dhaweeysay go'aanka magdhawga looga diiday shirkadda DP World

Jabuuti oo soo dhaweeysay go’aanka magdhawga looga diiday shirkadda DP World

Dawladda Jabuuti ayaa Talaadadii soo dhoweysay go’aan ay maxkamad dhex-dhexaadin ah oo fadhigeedu yahay London ku diidday dalab magdhow ah oo dhan hal bilyan oo dollar oo ay soo gudbisay shirkadda DP World.

Jabuuti ayaa ku tilmaantay xukunkaas “guul taariikhi oo muhiim u ah” oo ay ka gaartay murankii muddada dheer ka taagnaa dekedda konteennarada ee Dooraale.

Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Jabuuti ayaa lagu sheegay in go’aankan oo ay 29-kii September soo saartay Maxkamadda Dhex-dhexaadinta Caalamiga ah ee London (LCIA) uu yahay “guul si gaar ah muhiim ugu ah Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Shirkadda Dekedda Jabuuti ee PDSA (Port de Djibouti SA).”

Go’aanka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri: “wuxuu mar kale adkeynayaa xuquuqda sharciyaysan ee Jamhuuriyadda Jabuuti.” DP World waxay dalbatay ku dhowaad $1 bilyan oo doollarka Mareykanka ah oo ay ka rabtay PDSA, iyadoo ku andacoonaysay khasaare ka soo gaaray kadib markii Jabuuti ay joojisay heshiiskii oggolaanshaha sanadkii 2018.

Si kastaba, maxkamaddu waxay xukuntay in PDSA, oo ah hay’ad gaar loo leeyahay, aysan mas’uul ka ahayn arrintan, maadaama joojinta heshiisku ay ka dhalatay “go’aan madax-bannaani ah oo ay gaartay Jamhuuriyadda Jabuuti.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments