HomeCaalamkaIn ka badan 39 kun oo arday oo maanta u fariistay Imtixaanka...

In ka badan 39 kun oo arday oo maanta u fariistay Imtixaanka Dugsiga sare

Waxaa saakay si rasmi ah u biloowday Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 4-aad ee dugsiga sare oo ay u fadhiisteen 39,000 oo arday guud ahaan dalka Soomaaliya, sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashadda dalka.

Tirada guud ardayda sanadkan ee Imtixaanka u fariistay ayaa kala ah 23,000 wiilal ah iyo 16,3000, kuwaasi oo ku sugan degmooyinka iyo gobollada dalka marka laga reebo Puntland iyo Somaliland.

Nuura Mustaf Mukhtar wasiir dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in Imtixaanka sannadkan wax badan laga badalay, iyadoo dib-u-habeyn lagu sameeyay nidaamkiisa si loo xoojiyo hufnaanta, kalsoonida iyo tayada Imtixaanka.

Wasiirada ayaa sidoo kale xustay in Imtixaanka uu si habsami leh ugu socdo degmooyinka Ceel-dheer, Warsheekh, Buurhakaba, Laascaanood, Gaalkacyo iyo Boohoodle, waxa ay sheegtay in la adkeeyay amniga goobaha lagu galayo Imtixaanka.

Ugu dambeyn wasaaradda ayaa ardayda ugu baaqday in si kalsooni leh u galaan Imtixaanka, isla markaana ay ilaaliyaan sharciyadaha  loo sameeyey goobaha lagu galayo Imtixaanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments