HomeCaalamkaHowlgal looga hortagayo weerarada Shabaab oo laga fuliyay gobolka Galgaduud

Howlgal looga hortagayo weerarada Shabaab oo laga fuliyay gobolka Galgaduud

Howlgal qorsheysan oo uu Hogaaminayay Taliyaha Qaybta Galmudug Ee Ciidanka NISA G/Dhexe Feysal Ibraahim Caanood ayaa laga fuliyay Deegaano Hoostaga Deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaguud ee bartamaha Soomaaliya.

Taliye Feysal Ibraahim Caanood iyo ciidanka uu hogaaminayay ayaa cagta mariyay goobo ay ku dhuumanayeen Kooxaha Argagixisada Nafla caarigaa.

Ciidanka ayaa gaaray deegaanada Bulacle, taragaduud,Xirsi fiin iyo miir dugul oo ay ka saareen argagixisada khawaarijta, sidoo kale Ciidamadaan ayaan weerar ku qaaday deegaanada Sinadhaqo, labi-dule iyo dhabana dhulkuhays oo hoostaga isla deegaanka ceelgaras.

Taliye Faysal Ibraahim Caanood iyo ciidankiisa Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka waxaa howlgalkaan ku weheliyay ciidamada Booliska iyo Madaxtooyada Galmudug oo howlgalka qayb ka ahaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments