HomeCaalamkaGuddoomiye Muungaab oo lagu soo dhoweeyay aqalka dowladda hoos ee Xamar

Guddoomiye Muungaab oo lagu soo dhoweeyay aqalka dowladda hoos ee Xamar

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane  Xasa Maxamed Xuseen ( Muungaab) ayaa lagu soo dhaweeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona kulan la qaatay Guddoomiyaha Xafiiska sii baneenaya Maxamed Axmed Amiir.

Guddoomiye Muungaab, ayaa inta uu ku sugnaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxa uu booqday Xafiisyada Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale waxa uu kormeer ku tagay xarumaha Agaasinka Caafimaadka, Dad-dhigista, Gaadiidka iyo Gurmadka Deg-degga, halkaasi oo ay warbixin ku siiyeen Agaasimeyaasha kala duwan ee Waaxyaha, Waxa uuna Xarunta Taliska Ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar, Salaan sharaf kaga qaatay cutub ka tirsan Ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar ee (Municipio).

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments