HomeCaalamkaFiqi oo hambalyo u diray wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti

Fiqi oo hambalyo u diray wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa hambalyo waxa uu u diray dhigiisa dalka Jabuuti Cabdiqaadir Xuseen Cumar oo shalay loo magacaabay wasiirka arrimaha dibada dalka Jabuuti.

Wasiir Macalin Fiqi, oo Khadka Telefoonka gelinkii dambe ee shalay kula hadlay wasiirka cusub, ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay.

Qoraal kooban oo ay wasaarada baahisay ayaa lagu sheegay in khadka isgaarsiinta lagu wadahadlayay, Wasiir Axmed Fiqi uu adkeeyay qoto-dheerida xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo iyo kan diblomaasiyadeed ee xooggan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, isaga oo caddeeyay aragti-wadaagga dhanka iskaashiga iyo horumar is-dhaafsiga.

Sidoo kale wasiir Fiqi, ayaa  carabaabay kalsoonida uu ku qabo hoggaaminta Wasiirka Jabuutiyaanka ee xoojinta xasilloonida gobolka iyo sare-u-qaadidda dano-wadaagga.

Labada Wasiir ayaa waxa ay fallanqeeyeen hore-u-dhaqaajinta xiriirka labo geesoodka iyo is-gaashaanbuursiga fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga iyo kor-u-qaadidda wax-wadaagga istiraatiijiyadeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments