HomeCaalamkaFeeryahanad Ramlo Cali oo soo gaartay magaalada Muqdisho

Feeryahanad Ramlo Cali oo soo gaartay magaalada Muqdisho

Ramlo Siciid Axmed oo loo yaqaano ( Ramlo Cali) oo ah feeryahaanada Soomaaliyeed, ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ku soo dhoweeyey wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ramlo Cali oo warbaahinta kula hadashay gudaha garoonka, ayaa sheegtay in ayada oo aad u yar dalka laga kaxeeyey, isla markaana hadda ay tahay markii ugu horeeysay oo ay Soomaaliya timaado.

“Guusheyda waa guusha Soomaaliya ay gaartay, waxaana u mahad celinaya qofkasto oo isoo dhoweeyey sida wanaagsan” ayey tiri feeryahaanada Ramlo Cali.

Sidoo kale Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa sheegtay in Ramlo Cali ay adduunka ku mateshay Calankeenna Soomaaliyeed, isla maraakaana ay faraxsan tahay in dalka ay ku soo dhoweeyso.

Geesta kale guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cusmaan, ayaa tilmaamay in feeryahaanad Ramlo Cali ay muujisay inay gabdhaha Soomaaliyeed yihiin kuwa adkeysi badan oo fagaarayaasha caalamka wacdaro ka dhigi kara.

Ramlo Cali oo ah gabadhii ugu horreysay ee feeryahanad Soomaaliyeed ah ayaa ku guuleysatay biladda dahabka Caalamiga ah ee dhinaca Feerka islamarkaana hanatay guulo is daba joog ah ayaa maanta Muqdisho soo gaartay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments