Wararka anu ka heleyno deegaanada ku yaalla xadka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, ayaa sheegaya in xalay duqeymo culus laga fuliyay halkaasi.
Duqeymaha oo ay fuliyeen diyaarado dagaalka ayaa si gaar ah waxa ay uga dhaceen deegaanka Hareera Culusow, oo ah deegaan ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in duqeynta lagu beegsaday saldhig ay ku sugnayeen horjogayaal iyo maleeshiyaad katirsan kooxda Al-shababaab.
Weerarka ayaa la sheegay in lagu dilay xubnahan katirsan Al-shabaab ee halkaasi isku uruursanayay, balse ma jirto war rasmi ah oo xaqiijinaya inta uu gaariisan yahay khasaaraha gaaray kooxda.
Jugta duqeymaha xalay, ayaa waxaa si aad ah looga maqlayay deegaan fog fog oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe.
Ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ee dowladda ka taageera duqeymaha, oo looga hadlay khasaaraha ka dhashay duqeymaha xalay ka dhacay goobta ay isku uruursanayeen kooxda Al-shabaab.
