Maanta oo ah 19-ka bisha Agoosto, maalin weyn ayey u aheyd shacabka ku nool magaalada Buur-hakaba ee gobolka Baay, taasi oo in markii ugu horeeysay ay diyaarad rakaab sida oo ka duushay Muqdisho, ay ku degto garoonka cusub ee diyaardaha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay.
Garoonka Buur-hakaba ayaa dhowaan lasoo geba-gabeeyey dhismahiisa, iyada oo ay iska kaashadeen shacabka deegaanka kasoo jeeda iyo maamulka koonfur Galbeed ee Soomaaliya. waxaana garoonka loo dhameystiray adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin markii ay shacabka dhoofayaan.
Duulimaadyada diyaaradaha ee degmada taariikhiga ah ayaa hadda noqonaya kuwo joogto ah, iyadoo bulshada degmada ay baahi weyn u qabeen, maadaama uu garoonku fududeynayo isu socodka iyo adeegyada muhiimka ah.
