HomeCaalamkaDad shacab ah oo ku geeriyooday hoobiyeyaal lagu garaacay magaalada Baydhabo

Dad shacab ah oo ku geeriyooday hoobiyeyaal lagu garaacay magaalada Baydhabo

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helaya tiro hoobiyeyaal ah oo saakay lagu garaacay qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dadka deegaanka, ayaa sheegay in saddex hoobiye ay ku dhaceen xaafada Wadajir, hayeeshee mid kamid ah uu ku habsaday Guri ay dad rayid ah deganaayeen, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday Hooyo iyo Canugeeda, halka ay afar carruur oo kale ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo hadda xaaladooda lagula tacaalayo isbitaalada magaalada Baydhabo.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan hoobiyeyaasha saakay lagu garaacay meelo kamid ah magaalada, waxaana xusid mudan in sidaan oo kale horay Al-shabaab hoobiyeyaal sababay dhimasho iyo dhaawac ay ku qaadeen xaafadaani.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments