HomeCaalamkaCiidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 14-ka October, ay ka sameeyeen tuulooyin ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa si gaar ah waxa ay uga fuliyeen tuulooyinka kala ah Malable, Siigaale iyo Buulo-Arundi oo hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Guutada 14-ka October, Gashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye, ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Ciidamada ay cagta mariyeen xubno katirsan Al-shabaab oo isku diyaariyay inay lacag ka qaadaan shacabka beeraleyda ah ee ku nool tuulooyinka uu howlgalka ka dhacay.

Taliyaha ayaa xusay in howlgalka uu u dhacay sidii loogu talagalay, isla markaana ay ka hortageen qorshaha ay Al-shabaab, lacagaha uga qaadi rabeen shacabka tuulooyinkaasi.

Ciidanka xoogga dalka, ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ay ka sameeynayaan deegaanada Al-shabaab, ay kaga sugan yihiin gobollada Shabeellaha Hoose.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments