HomeCaalamkaCali Guudlaawe oo booqday furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Cali Guudlaawe oo booqday furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe

(Muqdisho) Madaxweynaha dowlad goboledka Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta tagay  furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hir-shabeelle.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u kormeeray aagagga Qurac-madoobe, War-ciise iyo Aqab-duco ee gobolka.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo hoggaanka xaq-u-dirirka deegaanka ayaa la wadaagay Madaxweynaha howlgaladii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-shabaab.

“Hirshabeelle, ma ahan gabaad argagixiso waa sababta aan dhammaanteen dagaalka ugu jirno halka waa rejada shacabka Soomaaliyeed ee ah inaan ka adkaano Khawaarijta,”ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hir-shabeelle ayaa ku tilmaamay khaarijinta saraakiil  badan oo uu ka mid yahay Yuusuf Dhagnaas  ay dabar jab weyn ku tahay Khawaarijta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments