HomeCaalamkaBurcad badeed Soomaali oo sii daayay doon u afduubnayd

Burcad badeed Soomaali oo sii daayay doon u afduubnayd

Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa sii daayay Doon Kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Yemen, laguna magacaabo Al-Hidaaya, taasi oo 16-kii Bisha Maarso laga afduubtay xeebaha maamul goboleedka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in ay afduubayaashu ay 20-kii bisha Doonida kaga tageen deegaanka Dhinowda oo ah  meel aan sidaan uga fogeyn halkii markii hore ay ka qabsadeen Doonta.

21-kii Maarso ciidamada badda ee Midowga Yurub, ayaa u tagay doonta si ay u caawiyaan shaqaalaha una baaraan afuubka lagula kacay.

Waxaa la xaqiijiyay in sideed shaqaalo oo saarnaa Doonta ay badqabaan, waxaana ciidamada ay aruuriyeen cadeymaha la xiriira afduubka Doonta.

Sikastaba. Waxaa la shaaciyay in tirade weerarada burcad badeed ay korortay sannadkan 2025  ayada oo gaartay afar, waxaana ay dhammaantood ka dhaceen dhul-baeedka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments