HomeCaalamkaAbaanduulihii Guutada 14 October iyo ciidamo la socday oo qarax lagu dilay

Abaanduulihii Guutada 14 October iyo ciidamo la socday oo qarax lagu dilay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo lala eegtay saraakiil iyo ciidamo katirsan dowladda oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxan Miinada oo si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeeysa deegaanada Number 50  iyo sabiib, ayaa lala beegsaday kolanyo uu la socday Abaanduulihii Guutada 14 October ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Maxamed Nuur ( Jareere) iyo ciidamo la socday.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu ka soo baxay degmada Awdheegle kuna sii jeeday degmada Afgooye, sida wararka ay sheegayaan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay Taliye Jareere iyo inta badan askartii la socotay, iyada oo intii ku dhaawacantayna  loo soo qaaday isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Xaalada goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa kacsan, waxaana  gaaray ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya, oo baaritaano kawada halkaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments