(Muqdisho) Madaxweynaha dowlad goboledka Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta tagay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hir-shabeelle.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u kormeeray aagagga Qurac-madoobe, War-ciise iyo Aqab-duco ee gobolka.
Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo hoggaanka xaq-u-dirirka deegaanka ayaa la wadaagay Madaxweynaha howlgaladii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-shabaab.
“Hirshabeelle, ma ahan gabaad argagixiso waa sababta aan dhammaanteen dagaalka ugu jirno halka waa rejada shacabka Soomaaliyeed ee ah inaan ka adkaano Khawaarijta,”ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Hir-shabeelle ayaa ku tilmaamay khaarijinta saraakiil badan oo uu ka mid yahay Yuusuf Dhagnaas ay dabar jab weyn ku tahay Khawaarijta.
