HomeCaalamkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay daaf-furka biyo xireenka Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay daaf-furka biyo xireenka Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay munaasabada daaf-furka mashruuca biyo xireenka Itoobiya ee GRAD.

Madaxda dalalka Kenya, Jabuuti, Koonfurta Suudaan, ayaa ka qeyb galay daaf-furka, waxa uuna ra’iisul wasaaraha Itoobiya ku soo beegay xariga jarka, xili madaxda ay ka qeyb galayeen meertada labaad ee shirka Cilimada Afrika oo soo qaban-qaabiyay midowga Afrika.

Dowladda Itoobiya, ayaa dhisamahan soo waday muddo dhowr sanno ah waxa uuna mustaqbalka u noqonaya mashruuc weyn, iyada oo inta uu socday dhismaha ay culasyo kala kulmeysay dalalka Masar iyo Suudaan oo uu maro wabiga Nile.

Masharuucan, ayaa waxaa ku baxay la dhan $5 bilyan oo laga aruuriyay dadka dalkaasi, waxaa loogu magac daray  qaaraanka Qaranka. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed  ayaa hadda dooneysay inuu dhab kale u wajaho xaaladan, iyada oo weli ay taagan tahay dooda dalalka Masar iyo Suudaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments