HomeCaalamkaWasiirka arrimaha dibadda Iran oo si adag uga jawaabay Baaqyo uga yimid...

Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo si adag uga jawaabay Baaqyo uga yimid Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa sheegay in baaqyada lagu dalbanayo in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay is-xakameyso marka ay ka jawaabayso weerarrada Israa’iil ay yihiin kuwo “aan garowshiiyo lahayn”.

Isagoo qoraal ku daabacay baraha bulshada ee Telegram, Seyyed Abbas Araghchi wuxuu faahfaahiyay kulan uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, David Lammy.

Qoraalka ayaa sheegay in Araghchi uu u sheegay Lammy in tallaabooyinka Israa’iil ay xadgudub ku yihiin madax-bannaanida qaranka Iiraan, isla markaana uu si adag u dhaleeceeyay taageerada ay qaar ka mid ah waddamada Yurub siiyaan dowladda Israa’iil.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in jawaabta dowladda Iiraan ay noqon doonto “mid adag “.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments