Home Caalamka Xubno kamid ah oo Nairobi kula kulmay hoggaamiyaasha Jubbaland iyo Puntland

Xubno kamid ah oo Nairobi kula kulmay hoggaamiyaasha Jubbaland iyo Puntland

Sida ilo wareedyo ay inoo shegeen madasha samata-bixinta mucaaradka ayaa saddex xubnood oo ka tirsan Madasha maanta u direysa magaalada Nairobi, halkaas oo ay joogaan hoggaamiyaasha  Jubaland iyo Puntland oo siyaasad ahaan Madasha la saf ah.

Wadahadallada dhexmaraya Saciid Cabdullaahi Deni, Axmed Madoobe iyo xubnaha ka socdo Madasha mucaaradka ayaa la filaya in diiradda lagu saaro  xaaladda siyaasadeed iyo qaabka ugu habboon ee loo wajahayo wadaxaajoodka lala geli doono Villa Soomaaliya.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland, ayaa wada kulamo ay uga hadlayaan sidii loo soo afjari lahaa xiriirka dowladda federaalka oo muddooyinkii dambe mugdi soo galay, sidii caqabadaha jira looga gudbi lahaa.

Sikastaba, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan ka hadlay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay in xaliso cabashooyinka ay qabaan maamulada Puntland iyo Jubbaland, isla markaana miiska wada-hadalka ay ku soo laaban doonaan, si loo sii amba qaadi geedi-socdka doorashada dalka.

Exit mobile version