HomeCaalamkaVilla Somalia iyo Jubbaland oo si kala duwan uga hadlay kulankii madaxweyne...

Villa Somalia iyo Jubbaland oo si kala duwan uga hadlay kulankii madaxweyne Xasan iyo Axmed Madoobe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa soo gabe-gabeeyey safarkii uu shalay ku tagay magaalada Kismaayo, halkaasi kulan kula yeeshay hoggaamiyaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe.

Wararka hordhac ah ayaa sheegay in natiijo la’aan ay ku soo dhammadeen kulamada ay labada dhinac yesheen, waxaana isku mari wayee, qodobo la dhinac ay muhim ah.

Axmed Madoobe, ayaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo, kasoo sagootiyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Villa Somalia oo qoraal kasoo saartay kulankii u dhaxeeyey madaxweynha dalka iyo Axmed Madoobe, ayaa sheegtay in wada-hadalo ay meel wanaagsan marayaan, isla markaana lasii wadi doono.

Geesta kale madaxweynaha  Jubaland Axmed Madoobe, ayaa sheegay in Jubbaland ay mar walba waxay caddeynaysaa inay ka go’an tahay in kala aragti duwanaanta lagu xaliyo wada hadal iyo in loo midoobo ajandayaasha waaweyn ee dalkeenna u yaalla, iyadoo lagu heshiiyay in wada hadalladu sii socdaan isla markaana dib loogu kulmo fadhiyo kale si xal waara loo gaaro.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa uga mahadceliyay shacabka Jubaland niyadsamida ay muujiyeen iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da iyo qadiyadahooda gaarka ah.

Sidoo kale, Dowladda Jubaland waxay uga mahadcelinaysaa Dowladda Kenya dadaallada ay ku bixinayso sidii loo soo afjari lahaa kala aragti duwanaanta jirta iyo xalinta khilaafaadka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments