Home Caalamka Tirada dhimashada Israa’iil oo korortay

Tirada dhimashada Israa’iil oo korortay

Qof kale ayaa lagu dilay duqeymaha ay Iiraan ka geysatay guud ahaan Israa’iil sida uu sheegay Magen David Adom, oo ah adeegga gurmadka qaran ee Israa’iil.

Tani waxay tirada dadka lagu dilay weeraradii xalay lagu qaaday Israa’iil ka dhigaysa shan qof.

Hore waxaan u tebinnay in afar qof la dilay, laba haween iyo labo rag ah, kuwaas oo ku jiray da’ada 70-meeyada.

Adeegga gurmadka ayaa sheegaya inay daad gureeyeen 92 qof oo dhaawac ah, oo ay ku jirto haweenay 30 jir ah oo xaaladdoodu halis tahay, kuwaas oo wejiga dhaawacyo ka gaaray, lix xaaladood oo dhexdhexaad ah iyo 85 dhaawacoodu fudud yahay.La wadaag, Tirada dhimashada Israa’iil oo korortay

Exit mobile version