Home Caalamka Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in xal laga gaaro xiisada Biyo xireenka...

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in xal laga gaaro xiisada Biyo xireenka Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay xiisadaka dhalatay biyo xireenka Itoobiya, ay dhowaan sameysay, taasi oo uu heegay in ay saameyn ku yeelan karto gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dalalka uu wabiga Nile maro ee Masar iyo Suudaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay  in arrintaani ay tahay mid xasaasi ah, isla markaana u baahan in xal ay wada garaan dhinacyada isku haya arrinta.

Isaga oo la hadlayay madaxweyne Xasan Talefishinka Al-arabiy, ayaa sheegay in xiriirka Itoobiya uusan wax saameyn ah ku yeela doonin midka xiriirka Istaraatiijiga ee kala dhaxeeya dalka Masar.

Waxa uu madaxweynaha hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabad gobolka, iyada oo aan la abuureynin xiisad dagaal, sida uu hadalka madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in Masar ay Soomaaliya ka taageerto dhinacyo kala duwan oo kamid ah tababarka ciidamada, logistiga iyo xoojinta amniga, waxa uuna cadeeyey in Soomaaliya iyo Masar uu dhaxeeyo xiriirka qoto dheer.

Ugu dambeyn waxa uu beeniyay wararka sheegaya in dagaal uu ka dhex qarxi rabo dalalka Masar iyo Itoobiya, isaga oo sheegay in aysan jirin calaamad muujineysa in dagaal soo fool lee yahay.

Exit mobile version