HomeCaalamkaKulankii u dhaxeeyey xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo ka fashilmay

Kulankii u dhaxeeyey xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo ka fashilmay

Kulakii ugu horeeyay ee fool ka fool ah ay yeshaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa natiijo la,aan ku soo dhammaaday, iyada oo maanta kulan kale ay yeelanayaan labada dhinac.

Kulanka qodobada ugu waa weyn waxaa kamid ah in Axmed Madoobe uu ka laabto doorashadii uu ku soo baxay eek a dhacday magaalada Kismaayo uuna qaato heshiiskii mideeynayay doorashooyinka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Axmed Madoobe ayaa ka gaashaanka u daruuray tallabadaasi, isaga oo carabka ku dhuftay in aan tallabadaasi marnaba aan la aqbali Karin, balse ay kawada xaajoodaan arrimaha kale sida dastuurka iyo doorashooyinka dalka.

Haddii kulanka labaad ee hadda ka socda magaalada Kismaayo eek u soo dhammaado fashil, waxaa laga yaaba in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku soo laabto magaalada Muqdisho, inkasto xubnaha ka qeyb galaya kulanka ay dadaal ku bixinayaan sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomalaiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments