Home Caalamka Dabley hubeysan oo dilay Agaasimihii dalxiiska degmada Deyniile

Dabley hubeysan oo dilay Agaasimihii dalxiiska degmada Deyniile

Faaf faahino dheeraad ah ayaa laga helaya dabley hubeysan oo xalay degmada Deyniile ku dilay Agaasimihii dalxiiska ee degmadaasi.

Goob jogayaal kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo aan heybtooda weli la garan ay Agaasimihii rasaas ku fureen xili uu marayay xaafada Cali Boy ee degmada Deyniile, iyaga oo ka qaatay mobil-kii iyo Bistoolad uu watay  kadibna goobta isaga baxsaday.

Dilka kaddib ayaa ciidamada ammaanka waxa ay bilaabeen howlgallo ay ku baadi goobayaan raggii dilka ka dambeeyay.

Agaasimaha dalxiiska ee degmada Deyniile, ayaa ahaa nin dhallinyaro ah oo shacabka ay aad u jeclayeen, waxaana lagu magacaabi jiray  Cabdalla Sheekh Ibraahim.

Laamaha amniga oo kaashanaya shacabka, ayaa weli ku howlan soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha dilka ka dambeeyay.

Exit mobile version