Home Caalamka Ciidanka xoogga iyo kuwa AUSSOM oo si wadajir ah u qabsaday degmada...

Ciidanka xoogga iyo kuwa AUSSOM oo si wadajir ah u qabsaday degmada Awdheegle

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay howlgal ay si wadajir ah u sameyeen ciidanka xoogga dalka iyo howlgalka AUSSOM gaar ahaan kuwa Yugada, waxaana u suuragashay in qabsadaan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa loogu magac daray Duufaanta aamusan, waxaana ujeedka uu yahay mid lagu doonayo in laisugu furo degmooyinka kala duwan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay  wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamada huwanta ah ay ku guuleysteen qabsashada degmada Awdheegle, iyagana hadda howlgallo baaris ah ay kawadaan.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa midowga Afrika, ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ay ka sameeyanayaan deegaannada iyo degmooyinka ay Shabeellaha hoose, kaga sugan yihiin kooxda Al-shabaab.

Exit mobile version