Home Caalamka Ciidanka dowladda oo howlgallo kawada deegaano ku yaalla gobolka Hiiraan

Ciidanka dowladda oo howlgallo kawada deegaano ku yaalla gobolka Hiiraan

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidanka deegaanka macawiisleey ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameyey  inta u dhaxeeysa deegaannada Abooreey  iyo Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hoggaamineysa ayaa sheegay  in howlgalka  uu daba socday kaddib markii ay heleen xog ku aadan in xubno katirsan Al-shabaab ay isku uruursanayaan deegaannada u dhaxeeya Yasooman iyo Abooreey.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaciyay  in tageen goobihii ay horay ugu sugnayeen kooxda Al-shabaab, waxa ayna ciidamadu sameyeen miino baaris.

Ugu dambeyn, saraakiisha ayaa sheegay in ay sii wadaan howlgallada si ay u xaqiijiyaan amniga uguna hortagi doonaan weerarada Al-shabaab.

Exit mobile version