Home Caalamka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la geeyay furimaha dagaalka

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la geeyay furimaha dagaalka

Muqdisho: Cutubyo katirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo wajiib ahaan u xil saaran ilaalinta Maxabiista ku jira xabsiyada dalka, ayaa laga qaaday  magaalada Muqdisho, iyaga oo la geeyey furimaha dagaalka ee Shabeelooyinka si ay qeyb uga noqdaan dagaalka Al-shabaab.

Generaal Mahad Cabdiraxaan oo Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa ka hor daabulada ciidamada waxa uu kula dardaarmay inay gutaan wajiibkooda shaqo, ayna xajistaan furimaha dagaalka marka ay iska horimaadaan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

“Dagaal ayaad u socotaan maidnka qarinayo waxaad wadataan qoryo kala duwan, waxaana waaye cadowga ku dil adigana isku difaac, Nin walbo kalsooni haku galo dagaalka, saraakiisha iyo idinkaba da’yar ayaa tihiin  oday oo dhan waan idinka reebnay, mar walbana qorigaaga hakuu diyaarsanaado,” ayuu yiri Generaal  Mahad Cabdiraxmaan.

Qaar kamid ah askarta oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in dagaalka ay qeyb ka qataan, ayna Qaranka ka difaaci doonaan jiidaha hore ee dagaalka, ayna ka hortagi doonaan Al-shabaab.

Exit mobile version