Wararka inaga soo gaaray gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidanka macawiisley iyo kooxda Al-shabaab uu ka socdo howdka labada gobol ee dhaxeeya ee Ceelhareeri iyo Aadan Yabaal.
Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu yahay mid xooggan oo labada dhinac isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan.
Hoggaamiyaal katirsan ciidanka Macawiisleey, ayaa ku waramaya in xaalada ay adag tahay, isla markaana labada dhinac dagaalka u dhaxeeyo uu yahay mid culus, sidoo kalana ay dib ka sheegi doonaan khasaaraha maadama uu weli socdo dagaalka.
