HomeCaalamkaRa'iisul Wasaaraha oo guddi u saaray khasaaraha uu sababay Roobkii shalay ka...

Ra’iisul Wasaaraha oo guddi u saaray khasaaraha uu sababay Roobkii shalay ka da’ay Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay guddiga ka kooban wasiiro, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda Sodma, si ay uga soo warbixiyaan khasaaraha uu geystay roobkii ka da’ay Muqdisho.

Guddigan oo  uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad Jibriil Cabdirashiid, ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah waddooyinka iyo goobaha uu saameeyay roobka.

Jibriil Cabdirashiid, ayaa sheegay in roobka uu sababay khasaaro naf iyo maal leh, uuna saameeyn ku yeeshay ganacsiga isku socodka dadka.

Waxa uu carabka ku dhuftay in xukuumadda ay kaalinteeda ka qaadan doonto maareynta khasaaraha iyo gurmadka deg deg ah ee loo baahan yahay in la gaarsiiyo dadka ku waxyeeloobay  daadadka uu sameeyey roobka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments